Home | General | Dagaal Xoogan Oo Ka Socda Degmada Matabaan

Dagaal Xoogan Oo Ka Socda Degmada Matabaan

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Matabaan 1-da Luuliyo:- Wararka naga soo gaaraya magaalada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Kolonyadii Ciidamada Ethiopia ee dib uga soo guraya duleedka magaalada Guri Ceel oo sida la sheegay xalay oo dhan soo lugeynayay uu Dagaal xoogan oo la isku adeegsanayo hubka Nuucyadiisa kala duwan ku dhex marayaa Degmada Matabaan Xoogaga Kacdoonka.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Kolonyada Ciidamada Ethiopia la sheegay iney wataan askar dhaawacyo culus qaba iyo kuwo fudud sidoo kale waxaa la sheegay iney tiro badan oo meydad ahna ay wataan, waxaana ay xalay saqdii dhexe ka soo ruuqaan sadeen degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud kuwaasi oo soo abaaray dhanka degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaana dagaal xoogan kala hor tagay oo afrata dhinac ka galay dagaal yahanada Xoogaga Kacdoonka iyo Al shabaab oo iskaashanaya laman oga qasaaraha soo gaaray Ciidamada Ethiopia.Dadka ku nool degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in daryanka Madaafiicda la isku weydaarsanayo ay si weyn uga maqlayeen wadada ugu horeeysa ee laga soo galo degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaana guud ahaan hakad galay isku socodka dadka iyo gaadiidka ee wadadasi.Ciidamada Ethiopia ayaa waxaa ay dagaal xoogan kula kulmeen degmada Guri ceel ee gobolka Galgaduud kuwaasi oo madaafiic ku garaacay xaafadaha dadka rayidka ah markii dagaal lagula eegtay gudaha magaaladaasi.

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
1.00
Powered by Vivvo CMS v4.0