Home | General | Kulanka Golaha Dhexe Ee Isbaheyisga Oo Ka Furmaaya Jabuuti.

Kulanka Golaha Dhexe Ee Isbaheyisga Oo Ka Furmaaya Jabuuti.

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Jabuuti 1-da Luuliyo:-Gudoomiyaha golaha Dhexe ee Isbahaysiga Mucaaradka Shariif Xasan Sh.aadan ayaa shaaca ka qaaday in biri Jabuuti uu ka furmidoono shirweynihii Isbaheysiga dib u Xoreynta Soomaaliya kalfadhigiisa labaad kasoo lagu wado inuu ka furmo magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti,

Gudoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbaheyisiga Mr.Shariif Xasan ayaa sheegay in kalfadhigaan looga doodi doono arirmo badan oo xasaasi ah ayan ka mid yihiin ajandayaasha ku saabsan arrimaha siyaasada, Ciidamada iyo dib u heshiisiintaba, iyo sidii looga gudbi lahaa khilaafka ku dhex jira Hogaanka sare & xubnaha Isbaheysiga, shirkaan ayaa lagu wadaan iney ka soo qeyb gali doonaan dhamaan Xubnaha golaha Dhexe marka laga reebo xubnaha ku sugan Asmara oo uu ku jiro Sheekh Xasan Dahir Aweys. Qabanqaabada kulanka ayaa waxaa si weyn loga dareemayaa Magaalada Jabuuti,waxaana ku qulqulaya Jabuti xubno fara badan oo ka imaanya Dalalka yurub iyo W/Ameerica. Qabsoomida kulanka ayaa waxaa uu xaqiijin doono cida taagera badan dhinacyada Asmara iyo Jabuuti , waxaana dhawaan kulan Asmara ka dhici lahaa uu u baaqday koorum la'aan kadib markii tiradii la rabay inuu ku qabsoomo shirka la arki waayey, waxaana la sheegay in xubno aan ka badneyn ilaa 18 oo ay ka midyihin Xuseen Ceydiid, Sheekh Xasan Dahir, Zakariye iyo C/fataax, iyo xubno kale , waxaana dib loo dhigay ilaa 3 Luuliyo in shirkaasi uu garabka Asmara u qabsoomo, inkastoo aan la ogeyn sida ay ku heli karaan tirada looga baahan yahay inuu shirkaasi ku qabsoomo, waxaana dhinaca kale Jabuuti hada jooga oo ka qeybgalya Sh.Suuley iyo Saraakil sare oo ka mid ah Xoogaga Kacdoonka.

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0