Home | General | Muunaasibada 1-da Luuliyo Oo Si Hoose Looga Xusay Muqdisho

Muunaasibada 1-da Luuliyo Oo Si Hoose Looga Xusay Muqdisho

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Muqdisho 1-da Luuliyo:-Magaalada Muqdisho ee Soomaaliya ayaa xalay waxaa lagu qabtay munaasabad lagu maamuusayay 1-da Luulyo oo ku beegan markii ay Gobollada Koofureed Xornimada ka qaateen Gumeystihii Talyaaniga, isla markaana ay midoobeen Gobollada Koonfur iyo Waqooyi ee Soomaaliya.

Hal Munaasabad oo ka dhacday Xaruntii Gaadiidka Booliska ayaa lagu maamuusay munaasabaddaas, waxaana halkaas isugu tegay xubno  ka socday Kooxda Imbagati iyo weliba kuwa Maamulka Gobolka Banaadir,waxaa goobtaasi ilaalo xoogan ka hayay Ciidamada Ethiopia kadib markii ay dalbadeen Xubnaha Kooxda Imbagati, Shaqasiyaadka halkaas isugu tegay ayaa markii ay cabaar ka hadleen halgankii xornimada loo soo maray ayaa waxaa markii la gaaray 12-kii Saqda dhexe waxaa la saaray Calanka Soomaaliya, iyadoo dhinaca kalena ay Heeso wadani ah ka qaadayeen Fannaaniin Soomaaliyeed. Ma jirin meel kale oo Muqdisho ku taala oo xalay looga dabaal-degay Munaasabadda 1-da Luulyo, waxaana taasi ugu wacnaa amni darro ka jirta Magaalada Muqdisho oo aan saamaxeynin in ay dadka isu soo baxaan, isla markaana ay u xafladeeyaan Munaasabadda 1-da Luulyo.Waxaa xusid mudan in intii ay Xafladda ka socotay Xaruntii Gaadiidka Booliska ee Degmada C/Casiis ay Madaafiic Hoobiyayaal ah ku dhaceen Xaafadda Geedoole, iyadoo la sheegay in madaafiicdaas ay ahaayeen kuwo loola dan lahaa in lagu weeraro Xarunta Gaadiidka Booliska ee ay ka dhaceysay xafladda lagu maamuusayay 1-da Luulyo.

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
1.00
Powered by Vivvo CMS v4.0