Home | General | Dagaal 2aad Oo Ka Dhacay Duleedka Matabaan

Dagaal 2aad Oo Ka Dhacay Duleedka Matabaan

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Matabaan 1-da Luuliyo:- Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in mar labaad ay Abaarihii 12:00 duhurnimo iyo qadar daqiiqado ah ayayXoogaga Kacdoonka Soomaaliyeed waxa ay weerar gaadmo ah mar kale kula beegsadeen Ciidamada Ethiopia halka lagu magacaabo “Beer Gadiid” oo ku taala duleedka Magaalada Matabaan gaar ahaan meel ka hooseysa Jiirta Qabno ee Gobolka Hiiraan. 

Wararka hordhaca ah ee Dagaalkan ayaa la sheegayaa in uu bilowday ka dib markii ay Ciidamada Ethiopia ka gudbeen goobtii uu saaka dagaalka ku qabsaday oo ahayd inta u dhaxeysa “Shiino Qarxis iyo Jiirta Qabno” halkaas oo la sheegayo in looga gubay 2 gawaarida dagaalka sidoo kalana la gaarsiiyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac aan tiradooda la xaqiijin. Dagaalkan oo ah mid wali socda ayaa sidoo kale la sheegi Karin khasaaraha dhabta ah ee ka soo gaaray Ciidamada Ethiopianka. Waa dagaalkii labaad oo ay Xoogaga Kacdoonka kula beegsadaan wax ka yar maalin galinkeed agagaarka Degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan waxaana ay arintani dhaq-dhaqaaq weyn oo ciidan ka abuurtay Gobolka Hiiraan iyo kan gal-gaduud. Sidoo kale dagaalkan labaad ayaa ku soo beegmaya iyada oo Ciidamada Ethiopia ay xalay saqdii dhexe isaga soo guureeyeen isagoo lugeynaaya, waxeyna hareeraha ka scodeen Gadiidka gadiidka, Magaalada Guri ceel ee Gobolka gal-gaduud ka dib markii ay weeraro isdabo joog ah ay la beegsadeen Xoogaga Kacdoonka Soomaaliyeed oo midaysan

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0