Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Dagaalka Matabaan
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaara degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in labadii dagaal ee maantay ka kala dhacay afaafka hore ee degnada duleedka Matabaan ayaa sheegaya in Mas’uuliyiin culimo ah oo ka mid ah Xoogaga Kacdoonka Soomaaliyeed ayaa maantay ku shahiideen, iyadoo Ciidamada Ethiopia la sheegay in khasaare aad u balaaran uu ka soo gaaray dagaalkaasi.
Ilo xog ogaal ah oo ku dhow Xoogaga Kacdoonka oo la soo xiriiray ayaa u xaqiijiyay iney dagaalkaasi ku shahiideen xubn muhiim ah oo aan wali tiradooda la hubin balse ay ka mid yihiin Sheekh Cabdulaahi Cali Afrax oo ku magac dheeraa (Sheekh Asbaro) Sh.Farxaan Warsame Xaashi oo ku magac dheer (Macallin Farxaan) iyo Sheekh magaciisa lagu soo gaabiyay “Sharmaa'arke”. Ragan ayaa shahiiday ka dib markii ay dagaal xoogan kula beegsadeen Ciidamada Ethiopia duleedka Magaalada Matabaan, iyagoo lugaynaya ilaa xalay saqdii dhexe daal badan iyo diif ka muuqato oo aan fuushanayn wax gaadiid ah. Dhinaca kale dadka reer baadiyaha ah ee ku dhaqan duleedka Matabaan ayaa xaqiijiyay iney arkayeen Ciidamada Ethiopia oo jiidanaya ilaa 4 gaadiidka dagaalka ah isla markaana dhiigoodu uu daadaaanayay dhul ay ku qiyaaseen 10 KM. waxaana la sheegay in ilaa saakay laga gubay 7 Gaadiidka Uraalada ah halka 2 kale la shegay in dagaalkaasi looga qabsaday, Dagaalkan ayaa sidoo kale la sheegayaa in ay si midaysan uga qeyb galeen Xoogaga Kacdoonka, Maxkamadaha Islaamiga, Dhaq-dhaqaaq Al-Shabaab iyo Jabhadda Islaamiga Soomaaliyeed, isla markaana socday mudo saacado ah la iskuna adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxayna wararka intaa ku darayaan in Ciidamada Ethiopia madaafiic aan xad lahayn oo aan loo meel dayin ku garaaceen Magaalada Matabaan taas oo ay sameeyaan marka uu ku cuslaado dagaalka. Ilo ku dhow Saraakiisha Xoogaga Kacdoonka ayaa sheegaya in xiligani uu dagaalku istaagay isla markaana ay Ciidamada Ethiopia gaareen halka lagu magacaabo “Bacda” oo ka tirsan Gobolka Hiiraan. Goobta uu dagaalka ka dhacay ayaa sidoo kale ay sheegeen inay ka heleen Dukumintiyo Fara badan oo ay ku jiraan Baasaboor ay wateen qaar ka mid ah Ciidamada kuwaas oo aan wali la soo bandhigin.



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment