Faahfaahin Ka Soo Baxeysa Dagaalkii KM-4
Muqdisho 2-da Luuliyo:-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay dagaal xoogan oo dhex maray Xoogaga Kacdoonka iyo Ciidamada Nabad Ilaalinta AMISOM oo kaashanya maleeshiyaadka Kooxda Imbatagi ee fariisimada ku lahaa Ex.Tiribuunka & Xarunta CID-da, Dagaalkaan oo la isku adeegsday hubka noocyadiisa kala duwan kaasi oo maqribkii xalay ka dhacay Qeybo ka mid ah Degmada Hodan ee Gobolka Benaadir
Dagaalkaan ayaa ka bilaawday Fagaaraha Tirebuunka wuxuuna si deg deg ah ugu soo faafahy isgoeyska KM4, waxeyna wararaku ay sheegeen in Ciidamada AMISOM ay adeegsadeen Taangiyada & gaadiidka dagaalka, waxaana la sheegay in dhowr jiho laga soo weeraray isla makraasna lagu qasbay iney dib ugu gurtaan wadada qabata garoonka diyaaradaha, waxaana la sheegay in Xoogaga Kacdoonka ay sidoo kale qabsadeen xarunta CID-da & Hoteelka Saxafi iyo nawaaxiga degaanadaasi, iyagoo muddo kooban halkaasi ku sugnaa kadibna dib uga gurtay, ilaa hadda lama yaqaano khasaaraha soo gaaray Ciidamada Yugandha & Maleeshiyada Imbagati, inkastoo Saraakiisha Imbagati ay sheegeen in dagaalkaasi uusan sidaa u xoganeyn. Fariisinka ay ku leeyihiin Ciidamada AMISOM Isgoyska KM4 ayaa ahaa halka uu dagaalka ka dhacay, iyadoona dagaalkii maqribkan lagu tilmaamay kii ugu xooganaa ee abid soo mara Ciidamadaas. Dagaalka ayaa ahaa mid ka soconya dhowr jiho, waxaana Xoogaga Kacdoonka ka soo weerareen Ciidamada AMISOM dhowr meel, taasoo keentay in dagaalka uu is qabsado KM4 ilaa Tarabuunka iyo wadada Maka Al-Mukarama oo ah halka looga yimaado Isgoyska KM4.
Xoogaga Kacdoonka ayaa ka hadlay dagaalkaasi oo shegay inuu ahaa mid xoogan khasaare xoogan ay u geysteen isla markaasna ay ka gaareen ujeedadii laga lahaa, halka Ciidamada AMISOM ayaan ka hadlin dagaalka.



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment