Jarmalka Oo Howlgalo Ka Bilaabay Xeebaha Soomaaliya.
Berliin 2 Luuliyo:-Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo muhiim ah ayaa sheegaya in Xukuumada Jarmalka oo horay ugu dhawaaqday in xeebaha dalka Soomaaliya u direyso Ciidamada Badda ayaa la sheegay iney hadda ku sugan yihiin xeebaha badda ee geeska Afrka, markab kuwa ciidamadooda leeyihiin kaasoo lagu magacaabo Preman oo dhaqdhaqaaq ka wada xeebaha dheer ee Soomaaliya.
Jarmalka ayaa wuxuu sheegay in markabkaasi uu diyaar u yahay inuu la dagaalamo burcad badeeda iyo Argagaxisada caalamiga, waxaana tirada guud ee maraakiibtan yihiin labo kuwaasi oo mid ka mid ah ay ku rakiban yihiin Gantaalo dheereeya ee la yiraahdo Torbido oo wax ka duqeyn kara qiyaasta 150 Km masaafo gaaraya.
Mid ka mid ah maraakiibtaasi ayaa waxaa saaran 220 Askari, kuwaasi oo shaqadoodu tahay baaritaano ay ku sameeyaan maraakiibta mara xeebaha dalka Soomaaliya sida uu cadeeyay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Mariiniska Mareykanka oo la yiraahdo Fidman.
Ciidamada Jarmalka ayaa la sheegay iney ku wehliyaan Ciidamada Faransiiska, Holland, Denmark iyo Mareykanka waxeyna dhamaantood ku howlan yihiin sidii loo ilaalin lahaa Xeebaha Soomaaliya inkasdtoo ay weli socoto afduubka Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa u kireysan hey'adaha samafalka



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment