Home | General | Sh.Xasan Daahir Oo Ku Sii Jeeda Yaman

Sh.Xasan Daahir Oo Ku Sii Jeeda Yaman

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Asmara 2-da Luuliyo:- Wararka naga soo gaaraya magaalada Asmara ee dalka Eritrea ayaa sheegaya in Madaxa kooxda ka gadooday Hogaanka sare ee Isbaheysdiga dib u Xoreynta Soomaaliya Sheekh Xasan Daahir Aweys uu oggoaalday inuu ka qeyb galo kulan ka dhici doona dalka Yaman oo ay soo qabanqaabiyeen ergooyin isku dhaf ah kuwaasoo u istaagay sidii loo dhameyn lahaa  khilaafkan soo kala dhex galay Hogaanka sare iyo xubnaha qaar ka mid ahIsbayeisga dib u Xoreynta.

Wararka ayaa sheegaya in maalmihii u dambeeyay uu sii xoogeysanayay khilaafka xagga siyaasada ee u dhexeeyay Hogaanka sare ee Isbaheyisga Sh Shariif Sheekh Axmed iyo Sheekh Xasan Daahir,iyagoo aad ugu kala fogaaday aragtida ay kala qabaan, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan inuu si cad u sheegay inuu ka jawaabayo martiqaadka Yemen uuna halkaa tagayo.

Isagoo ku sugan Asmara ayuu Xasan Daahir wareysi siiyay VOA-da qeybteeda English-ka waxaana uu ku sheegay in uu tagayo dalka Yemen oo lagu marti qaaday si loo dhex dhexaadiyo dhinaca kale oo ay isku diideen oo keliya xaga dib u hehsiisiinta Soomaaliya.
Inkastoo xogtaani ay tibaaxday in Sheekh Xasan Daahir uu ku adkeystay inuusan hor fariisan doonin balse uu kulamo la qaadan doono ergada dhex dhexaadineysa labada dhinac ee uusan ka qeyb galeynin wax kulan ah laakin uu diyaar u yahay inuu taageero wax kasta oo labada dhinac lagu heshiisiiyo.

Hadalka kasoo baxay Sh,Xasan ayaa muujinaya inuu wali ku adkeysanayo fariintii Afwerki usoo dhiibay oo ahayd in waligiiba uu diidanaado wax kasta oo suura gal ka dhigi kara in dalka Soomaaliya nabad gaarto oo ay saldhigato, laakin la arki doonee sida ay wax noqdaan maalmaha fooda nagu soo haya.

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
5.00
Powered by Vivvo CMS v4.0