Xiisado Colaadeed Oo Ka Tagaan Degaanada Ku Xeeran B/weyne.
B/weyne 3-da Luuliyo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Degaanada jantekuwindishe, Kalabeyr, Jawiil, Beer Gadiid & Ceel Gaal ay ka jiraan Xiisado Colaadeed iyo abaabul kadib markii Ciidamada Ethiopia ay ka soo gudbeen buurta Jiirta Qabno isla markaasna ay fariisin ka dhigteen degaanka kala beyr, waxana la sheegay in meel u jirta 3 -km ay Xoogaga Kacdoonka fariisimo ka sameysteen, iyadoo saakay dhaq dhaqaaq Ciidan laga dareemay degaanadaasi sidoo kale waxaa ka bilaawday qax balaaran.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in degaanadaasi aad looga dareemay dhaqdhaqaaqa Ciidamada iyo abaabul xoogan oo xambaarsan xiisado colaaeed, waxaana si gaar ah looga dareemay tuulooyinka jentekuwindishe, ceel gaal iyo Jawiil ee duleedka waqooyi bari ee Magaalada B/weyne ee goboolka Hiiraan. Ciidamada Ethiopia ayaa ku soo wajahnaa buurta Jante kundisho waxaana la sheegay in Tiro madaafiic ah ay ku Weerareen xoogaga maxkamadaha islaamka xili ay soo marayeen Tuulada ceel gaal ee duleedka waqooyi bari ee Magaalada B/weyne,waxaana Ciidamada Ethiopia ay ku jawaabeen hubka nuucyadiisa kala duwan. Lama oga Qasaaraha soo gaaray dhinacyada dhaq dhaqaaqa ciidan ka waday Qeybo ka mid ah magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Inta Ciidamada Ethiopia ay u soo ruuqansan buurta Jante kundisho ayaa waxa ay isku fidiyeen tuulooyinka jawiil iyo Ceel gaal, waxaana dadka ay baqdin ka qabaan in Ciidamada Ethiopia lagu Weeraro qeybo ka mid ah magaalada B/weyne xili tiro madaafiic ah lagu Weeraray,waxana xoogaga ka soo horjeeda Ciidamada Ethiopia oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ay u soo ruqaan sadeen halka ay Ciidamada Ethiopia ay ku sugan yihiin.
Ciidamada Ethiopia ee dhawaan isaga soo baxay Magalada Guri Ceel ee gobolka Galgaduud laguna Weeraray degmada Matabaan iyo Guri ceel ayaa shalay markii ay soo gaaree degaanka Kalabeyr waxaana la sheegay in ilaa 10 gaari oo kuwa Ciidamada ah isna jiidaaya ay u gudbeen dhinaca degaanka Ferfer kuwaasoo 3 gaari ka mid ahi la sheegay iney saarnaayeen meydad iyo dhaawacyo aan la ogeyn cadadkooda, waxaana ciidamada daabulay meydadka iyo dhaawacyada ay ka yimaadeen deegaanka Feer Feer ee maamulka Soomaalida Ethiopia.



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment