Home | General | Xukuumada Ruwanda Oo Ka Fiirsaneysa Iney Ciidamo Keento Soomaaliya

Xukuumada Ruwanda Oo Ka Fiirsaneysa Iney Ciidamo Keento Soomaaliya

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Kigale 3-da Luuliyo:-Afhayeen u hadlay Ciidamada Rwandan oo lagu Magacaabo Jill Rutaremara ayaa wakaalada wararka AFP u sheegay in xukumaada dalkaasi daraad ku heyso sidii ay Ciidamada ugu diri laheyd dalka Soomaaliya inta aan la gaarin dhamaadka sanadkaan, wuxuuna sheegay iney go’aankaasi uu hadda ka mid yahay qorshaha xukuumada.

Tirada Ciidamada loo diri doono Soomaaliya oo go’aankeeda la gaari doono dabayaaqada sanadkaan kadibna waxaa la filayaa in in hal Guuto ay u soo diraan Soomaaliya, sida uu sheegay Mr.Rutaremara, Tani waa markii ugu horeysay oo sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada milatariga wadanka Rwandan uu sheegay in Ciidamo ay u dirayaan Soomaaliya. Midowga Africa ayaa dalka Soomaaliya waxaa ka jooga 2,600 oo nabada ilaaliyaal ah kuwaasi oo dalka Soomaaliya lageeyay iyadoo midowga Africa uu balan qaaday in dalka Soomaaliya uu u dirayo 8,kun oo askari. Dowlada Uganda oo ah dowladii ugu horeysay oo Soomaaliya geyso Ciidamo ka socda dalkeeyda,waxaana soo laabeeya dowlada Burundi Dowlada Rwandan Askarteeda ayaa waxa ay sheegeen in ay si wanaagsan ay u tababaran yihiin isla markaana ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan howlgalada nabada looga dhalinayo wadanka Soomaaliya sida Jill Rutaremara Afhayeenka Ciidamada Rwandar uu sheegay,laakiin waxaa jira ayuu yiri dhibaato la xariirta Xaga Saadka kuwaasi uu sheegay hadii aan la xalin uu howlgalku noqon doono mid aan dhameystirneyn.Dowlada wadanka Rwandan ayaa horay waxa ay u sheegtay in dalka Soomaaliya ay geyn doonto Ciidamo ka socda dalkeeda iyadoo sidoo kale askar ka tirsan dowlada KMG tabar ay u sameysay ka dibna dib loogu celiyay dalka soomaaliya.

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0