Shirka Isbaheyisga Oo Maalinta Jimcaha Ka Furmaaya Yaman.
Sanca 3-da Luuliyo:-Wararka naga soo gaaraya dalka Yaman ayaa sheegaya in shirkii Mas'uuliyiinta Isbaheyisga lagu dhex dhexaadinaayay uu ku yimid dib u dhac kadib markii ergada garabka Asmara ay soo xaadiri waayeen xiligii lagu balamay, waxaana la sheegay in maalinta Jimcaha ee beri uu si rasmi ah uga furmi doono dalka Yaman, si loo soo af jaro khilaafka hareeyay Isbaheyisga dib u Xoreynta Soomaaliya.
Wararka ayaa sheegaya in Xubno gaaray ilaa 40 uuna horkacayo Gudoomiyaha Isbaheyisga dib u Xoreynta Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa gaaray Dalka Yemen magaaladiisa Sanca kuwaasi oo ka qeyb galaya wada hadalada lagu heshiisiinayo Isaga iyo kooxda u hormuudka u yahay Sheekh Xasan Dahir Aweys oo mad madow uu soo dhex galay tan iyo markii uu bilowday Shirkii Dib u heshiisiinta ee Dowladda iyo isbaheysiga ee ka dhacay Jabuuti.
Shirkaas lagu dhex dhexaadin lahaa dhinacyadaas ayaa u baaqday arrimo farsamo awgeed, waxaana la tilmaamay in wali shirka aysan soo xaadirin Kooxda Asmara ku sugan ee uu hogaanka u hayo Sheekh Xasan Dahir Aweys. waxaana wararku ay sheegayaan in Sheekh Xasan uusan imaan doonin shirkaasi balse uu wakiilo u soo dirsan doono isla markaasna uu cadeeyay in go'aanada ka soo baxa uu u hogansami doono. Dhex dhexaadinta dhinacyadaas waxaa garwadeen ka ah Siyaasiyiin, aqoon yahano iyo Culumaa'udiin ka baxay Gudaha Soomaaliya iyo qaar ka yimid Dibeda. Dr.Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ah Isbaheysiga Dib u Xoreynta, isla markaana ah garabyada Sheekh Shariif ayaa ku macneeyay dib u dhaca kulanka dhex dhexaadinta mid xaga duulimaadka ah, isagoo intaa ku daray in hakad ay ku timid diyaaradii ka imaan laheyd Asmara. Si kastaba ha ahaatee waxaa dhegta loo taagayaa wada hadaladaas lagu dhex dhexaadinayo isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya oo tan iyo markii Heshiiska ay gaareen dhinacii Sheekh Shariif horkacay ee Jabuuti ku sugnaa iyo qeybta kale ee Xasan Dahir hogaaminayay isku khilaafeen, isla markaana isbaheysiga labo garab u kala jabay.



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment