Dhinacyada Soomaalida Oo Lagu Baaqay Iney Cambaareeyaan Dilalka & Afduubyada
Muqdisho 3-da Luuliyo:-Waxaa aan isku soo taraaya culesyada la saarayo dhinacyada Saraakiisha Xoogaga Kacdoonka & Horjoogayaasha Maleeshiyaadka Kooxda Imbagati kuwaasoo ku dagaalmaya gudaha magaalada Muqdisho iyo guud ahaan Gobolada dalka, waxaana loogu baaqay inay si cad u cambaareeyaan dilalka qorsheysan ee loo geysanayo dadka rayidka ah iyo afduubyada shaqaalaha samafalka.
Xubin u dhaqdhaqaaqa bulshada rayidka oo codsaday inaan magaciisa la sheegin ayaa u warramay wakaaladda wararka ee Qaramada midoobay ee Irin wuxuu sheegay in dilalka iyo afduubyada ka dhacaya gudaha dalka Soomaaliya ay ka dambeyso siyaaasad qorsheysan. Wuxuu sheegay inuusan garan Karin cidda sida tooska ah uga dambeysa balse waxaan ku baaqeynaa buu yiri dhinacyada iska soo horjeeda waa inay ka hortagaan oo isku dayaan iney joojiyaan dilalka qorsheysan & afduubyada isla makraasna cambaareeyaan ayuu yiri.
Afduubkii ugu dambeeyay waxaa loo geystay labo qof oo ka tirsanaa hay’ada WFL oo ka shaqeysa horumarinta biyaha, iyadoo dilalkii ugu dambeeyay ee qof ka shaqeeya hay’ad magaalada Beledweyne loogu geystay Eng: Maxamed Xasan Kulmiye oo ka tirsanaa hay’ada CRD, ganacsade caan ka ahaa magaalada Muqdisho iyo isla markaasna ahaan jiray gudoomiyihii xarunta taakuleynta agoonta C/kariim Sheekh Ibraahim Dhiblaawe (Jeegaweyne). waxaana la sheegay in kooxda ku hubeysan bastoolada ay dileen shalay galanbtii xili uu ka soo baxay suuqa bakaaraha.



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment