Xarakada Al-Shabaab Oo Lagu Eedeyay Falal Dhan Ka Ah Shareecada Islaamka
B/Hakaba 13 Luuliyo:- Wararka naga soo gaaraya magaalada Buur Hakaba ee Gobolka Bay ayaa sheegaya in dhalinyaro aad u hubeysan oo la sheegay in ey daacad u yihiin Xarkada Al-Shabaab ay la wareegay degmada Buur Hakaba ee gobolka Bay, xilli ay soo shaac baxayaan falal dhan ka ah Shareecada Islaamka & qawaaniinta Caalamiga ah kuna aadan meydad Madaxa laga jaray oo la silacdileeyay lagana meel u dhow xerada Manaas.
Xoogaga Al Shabaab ayaa gudaha usoo galay Buur Hakaba xalay mana jirin awood Maleeshiyo oo ka hortagtay si ay isaga caabiso iyadoona inta badan deegaankaasi aysan ka howlgalin maleeshiyaadka Kooxda Imbagati. Waxaa ay isku balaariyeen xoogaga Xarakada Al-shabaab degaano kala duwan oo kamid ah Buur Hakaba iyagoona difaacyo dhigtay wadooyinka kala duwan ee degmadaasi laakin lama soo sheegin cid ay qabteen ama ay dileen.
Arrimahasi ayaa soo baxaya xilli afhayeenka Ururka Al Shabab ahna hogaamiye katirsan ururkaasi Abu Mansuur loo jeedinayo eedeymo ah in ay gowraceen taliyihi ciidamada dawladda ee xerada Manaas kaasi oo meydkiisa la helay isagoo madaxa ka go'an iyo sarkaal kale oo tababare ah, Waxaa lagu eedeeyay Abu Mansuur in isaga uu laha amarka gowraca sarkaalkaasi kadib marki ay gacanta ku dhigeen xoogaga Al Shabaab oo xoog ku galay xeradaasi dhawan markii ay weerar ku qaadeen,Abu Mansuur waxa uu hore ugu hanjabay in uu gowraci doono askarta dawladda hadii ay gacanta ku dhigaan,ee Al-Shabaab ayaa sheegatey iyadoo ku faanaysa inay geysatay falal laga argagaxo, kadib markii shabakadda kooxdaas u warranta ee KATAAIB ay ku warantey inay kooxdu gawraceen maxaabiis dagaal lagu qabtey. Kooxda Alshaab oo la tuhunsan yahay inay hoggaanka u hayaan saraakiil sar-sare oo jawaasiis u ah dalal shisheeye ayaa wada falal la isaga horkeenayo shacabka Soomaaliyeed & Xoogaga Kacdoonka sidoo kalena xoogagga wax iska caabinta lagu magac dilayo, halgankana lagu fashilinayo. Falalka in la dilo ama la silic-dilyeeyo maxaabiista dagaalka waa fal wuxuushnimo ah oo ka soo horjeeda Diinta Islaamka iyo dhammaan xeerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment