Hubkii Ka Dhigista 2-aad Ee Max'ed Dheere.
Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo muhiim ah ayaa sheegaya in Hogaamiye Kooxeedka Max'ed Cumar Xabeeb (Max'ed Dheere) ay weerar kedis ah xalay ku qaadeen guriga uu ka degan yahay waqooyiga Muqdisho Ciidamo Ethiopian ah kuwaasoo ku hubeysnaa hal Tanki iyo 200 oo Ciidan ah, waxeyna ku hoyden Guriga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho, iyagoo hub ka dhigis qasab ah ku sameeyay maleeshiyaadka Hogaamiye Kooxeedka.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in kadib marki uu soo baxay khilaaf xoogan uu u dhaxeeyo isaga iyo Col.C/laahi Yuusuf kadib markii uu diiday inuu iska xaadiriyo Ex.Villa Somaliya, si uu uga jawaabo eedeynta iyo cabashada ay jeediyeen qaar ka mid ah kuxigeenadiisa iyo inta badan madaxda degmooyinka Gobolka Benaadir, iyo sidoo kale isagoo dhaleceyn u jeediyay Axmed Cabdisalaan oo Kooxda Imbagati u qaabilsan Warfaafinta
Ilaa iyo hadda warar faahfaahsan lagama haayo ujeedada ka dambeysay in Ciidamada Ethiopia ku hoydaan halkaas balse wararka ayaa sheegaya in Ciidamadii Maxamed Dheere lagu amray xalay in ay hubka dhigaan. Saaka ayaa dadkii soo maray nawaaxiga uu degan yahay Maxamed Dheere waxaa ay sheegeen inaan lagu arkaynin halkaas gaadiidkii dagaal ee looga bartay in lagu ilaaliyo Duqa. Wararka ayaa sheegaya in Maxamed Dheere lagu wargeliyay inuu soo wareejiyo dhamaan hubka uu leeyahay ka hor inta aysan dhamaan bishan iyadoo wixii markaas ka dambeeya Maamul kale loo sameyn doona Magaalada Xamar. Ciidamada Ethiopia ayaa sidoo kale hub ka dhigis ku sameeyay horaantii todobaadkii hore Maareeyaha Dekedda Muqdisho iyagoo ka qaatay Gaadiid iyo hub fara badan oo uu lahaa Maareeyaha. Hubka ka dhigista Hogaamiye Kooxeedkaan ayaa ku soo aaday xilli uu gabaabsi yahay saameyntiisa masraxyada siyaasada beesha Mudulood, isgaoo ahaa Hogaamiye Kooxeedka kaliya ee ka haray beeshaasi isla markaasna hub heysta, inkastoo uu weli heysto gaadiid dagaal iyo hub aad u badan oo intii badneyd la sheegay inuu isugu geeyay nawaaxiga degmada Cadale.



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment