Kalfadhigii 2aad Ee Isbaheysiga Oo Jabuuti Ka Furmay
Jabuuti 19 Luuliyo:-Golaha Dhexe ee Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya ayaa goor dhoweyd shirkoodii uga furmay Magaalada Jabuuti, kadib markii maalmahan uu soconayay qaban qaabo ku aadan furmitaanka shirkaas oo aad loo dhowrayay, waxaana lagu wadaa in kalfadhigaan 2aad uu socon doono 19-24 Luuliyo iyadoo looga doodi doono qodobo ay soo hordhigeen Gudoomiyaha Guddiga Fulinta.
Kulankaan oo ay ka soo qeyb galeen madax badan oo ka socota beesha Caalamka, ayaa markii ugu horeeyay waxaa lagu sheegay in tiradii looga baahnaa Kooramka Shirkan uu kor u dhaafay, waxaana lagu soo waramayo inuu noqday mid buuxsamayay hoolka lagu qabanaayo shirka, iyadoo ay suura geliyeen Dad dalka iyo dibada ku maqnaa oo maalmahan ku qul qulaya Magaalada Jabuuti, kuwaasoo uu horay isugu yeeray Gudoomiyaha Isbaheysiga Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Saxaafada ayaa bilowga kaliya loo oogolaaday iney sawriko ka qaadaan, kadibna waxaa lagu wargeliyay iney gebi ahaanba Madasha Shirka Dibada ka istaagaan, waxaana goobta uu shirkaas ka soconaya amaankiisa sugaya Ciidamo Dowladda Jabuuti u xilsaartay sugida amaanka Kooxaha Mucaaradka Soomaaliya.
Furitaanka Shirkan ayaa ku soo beegmay xili ergada dhinaca Asmara ay halkaasi gaareen,wuxuu yahay mid caqabad ku ah Kooxaha kale ee Isbaheysigan ee ku sugan Dalka Eritrea, kuwaasi oo horay ugu suuroobi waayay in ay qabtaan, maadaama aanay u buuxsamin Kooramka.
Hogaanka sare ee Isbaheysiga ayaa ka hadlay furitaanka shirka shirkan,iyagoo ka cudurdaartay labada jeer ee dib loo dhigay waxeyna ku sababeeyeen dhinaca farsamada, waxeyna ku dheereedeen qodobada la doonaayo iney kaga doodaan kalfadhigaan ayna ka mid yihiin ka doodida heshiiska Jabuuti & ansixintiisa, khilaafka Isbaheysiga iyo qodobo kale oo ka hadlayay xalinta dhibaatooyinka ka jira dalka Soomaaliya iyo meel marinta qodobadaasi, shirkaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay madax badan oo ka socota beesha caalamka.
Dhanka kale Magaalada Asmara waxaa kulan ku leh xubnihii ka qeyb galay shirkii Dalka Yemen iyo Xunihii ku sugnaa magaalada Asmara oo sida wararku ay sheegayaan salaguusan qodobadii ka soo baxay shirkii dalka Jabuuti.



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment