Home | General | Kalfadhigii 2aad Oo Lagu Ansixiyay Heshiiskii Djibouti

Kalfadhigii 2aad Oo Lagu Ansixiyay Heshiiskii Djibouti

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Djibouti 20 Luuliyo:- Wararka naga soo gaaraya magaalada Jibouti ayaa sheegaya inkalfadhigii 2aad ee Isbaheysiga dib u Xoreynta Soomaaliya uu cod buuxa ku ansixiyay guud ahaan qodobadii uu ka koobnaa Heshiiskii hordhaca ahaa “Xabad Joojinta” ee mudada 3 bilood ahaa, kaas oo ay horey ugu heshiiyeen DFKMG ah iyo Isbahaysiga Bishii June ee la soo dhaafay.

Kalfadhigii shalay ka furmay Djibouti ayaa waxa ka soo qeyb galay 117 xubnood, waxaa halkaasi hadlay oo si faah faahsan u kala dhigay qodobadii heshiiska uga soo jeediyay xoghayaha guud ee golaha dhexe Sh. C/raxmaan Maxamuud Faarax Janaqow wuxuuna sharaxaad ka bixiyay duruufaha keenay in maanta isbaheysiga dib u xoreynta uu heshiis la gaaro dowladda maqaarsaarka ah ee C/laahi Yuusuf, iyadoo inta badan xubnihii dhegeysanayayna aaney jirin wax ka hor yimid amaba dood ka keenay, waxaana durbadiiba cod loo qaaday qodobada hesiiskaasi iyadoo ay ku ansixiyeen cod aqlabiyad ah heshiiskii Djibouti, isaga oo tilmaamay in ay tahay arintaasi guul wayn oo u soo hoyatay hogaanka Isbahaysiga iyo cid waliba oo saxiixday heshiiskaas. wuxuu sidoo kale sheegay in “ Isbahaysigu diyaar u yahay inuu hirgaliyo qodobadii dhankooda khuseeyay” kaas oo ula jeedadiisu ahayd in la soo afjaro dagaalada daba dheeraaday iyo loolanka siyaasadeed ka socda Soomaaliya 17-kii sano ee u dambeeyay, wuxuuna ugu baaqay dhinacyada kale “in ay sidooda oo kale sameeyaan”.

Guddoomiyha Golaha dhexe ee isbahaysiga dib-u-xoreynta dalka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku baaqay in gar-gaar bini’aadanimo loo fidiyo dadka dhibaataysan gaar ahaan qoysaska barakacayaasha oo xilligan u baahan gar-gaar isugu jira cunno, daawo iyo hoy ay roobka iyo cadceedda ka galaan.

Shariif Xasan Sheekh Aadan wuxuu sheegay in dadkaasi iyagoo guryahooda ay u muuqdaan uu meel bannaan roob kula da’ayo halka guryahoodana ay ku sugan yihiin ciidamada Ethiopia iyo kuwa dawladda federalka,xoogan looga barakicyay.

Dhanka kale xubno ka tirsan Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee garabka Asmara ayaa waxa ay kulan ku yeesheen caasimada Eritrea ee Asmara, iyaga oo warbixin ka dhagaystay wafdigii uga qeyb galay shirka Sanca garbakooda. 9 Bishii June ayay ahady markii heshiis xabad Joojin ah ay wada Saxiixdeen xubno ka mid ah Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya oo uu hogaaminayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo DFKMG ah ee la shaqeysa Ciidamada Ethiopia oo uu hogaaminayay Col.Nuur Xasan Xuseen, iyada oo ay dhex dhexaadinaysay Q.M, Sabtidii la soo dhaafay ayuu Sheekh Shariif ku sheegay shir jaraa’id oo qabtay in Mowqifkooda uu yahay “Mid ayna adkayn in la fahmo” oo uu ku sheegay in uu yahay “ in ay Ciidamada Ethiopia ka  baxaan dhulka Soomaaliyeed laguna soo badalo ciidamo dhex dhexaad ah oo ka tirsan Q.M, oo ka kooban dowlado aan wax dano ka lahayn Soomaaliya danahaas oo ah “dano jiyo siyaasiyi” ah iyo ujeedooyin kale”. 

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0