Home | General | Garabka Asmara Oo Heshiisikii Sanca Ka Baxay

Garabka Asmara Oo Heshiisikii Sanca Ka Baxay

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Asmara 20 Luuliyo:-Iyadoo horay loogu kala fogaaday aragtida isla markaasna ay jireen kala shaki, mad madow iyo ku qanacsanaan guud oo laga dareemay garabka Isbaheysiga ee Asmara fadhiya ee ku aadan heshiiskii Yemen ee Labada Dhinac ku gaareen Dalka Yemen ayaa waxaa mar kale dhinac ka soo baxay khilaaf cusub oo labadaas dhinac soo kala dhex galay, xilli la sheegayay inuu guul ku dhamaaday shirkaas Yemen ka dhacay.

Labada Dhinac hada waxay u muuqdeen kuwo kala heysta fikradihii hore, ee uu ku bilowday Khilaafka, wixii ka dambeeyay 9-kii June, hada oo la sheegay in laga gudbay khilaafkaasi, ayaa waxaa sii yimid khilaaf kale oo ka dhashay shirka Golaha Dhexe ay isugu yimaadeen, kaasi oo lagu ansixiyay waxyaabihii ka soo baxay heshiiskii 9-ka June.

Mid ka mid ah Xubnaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta qeybta ku sugan Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea wuxuu iftiimiyay khilaafka cusub ee Labada dhinac haatan soo kala dhex galay, kaas oo yimid, markii shalay Xubnaha kale ee Isbaheysiga shir ku qabteen Dalka Jabuuti, kaasoo sida muuqatay dhaawacay heshiiskii Magaalada Sanca labo maalmood ka hor ay ku gaareen dhinacyada Isbaheysiga.

"Heshiiskii Yemen ee aan walaalaheena Jabuuti la gaarnay wuxuu ahaa inaan wax siyaasad ah la gelin, tan iyo inta la isaga imaanayo, haatan waad ujeedaan shir bey ku qabteen Jabuuti oo Golaha Dhexe isugu yimaadeen, taasna waxay bur bur ku keentay Heshiiskii Yemen"ayuu yiri Sheekh Xasan Mahdi oo ka mid ah Xubnaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta ee ku sugan Dalka Eritrea.

Sheekh Xasan Mahdi waxaa uu sheegay in Shirkii Yemen ay dhex dhexaadinayeen Guddi labada dhinac ka madax-bannaan, kuwaasi oo uu guddoomiye u ahaa Prof. Ibraahim Xasan Caddow, wuxuuna sheegay in ay haatan ka sugayaan guddigaas wixii ay ku xukumaan Xubnaha Isbaheysiga ee Jabuuti ku sugan, kuwaasi oo uu sheegay in ay ka baxeen waxyaabihii lagu heshiiyay.

Tani waxay muujineysaa sida Kooxda uu horbodaayo Sheekh Xasan Daahir aysan ugu qanacsaneyn Shirka Xubnaha Isbaheysiga ay ku qabteen Dalka Jabuuti, kaasoo ay ku ansixiyeen waxyaabihii ka soo baxay Shirkii Jabuuti oo horayba ay u saluugsanayeen garabka ku sugan Asmara, waxeyna dhowaan ka soo saari doonaan aragtidooda ku aadan shirkaasi iyo heshiiska ay ka laabteen.

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0