Home | General | Faafaafin Ka Soo Baxeysa Dagaalkii Leego & Yaaqbariweyne

Faafaafin Ka Soo Baxeysa Dagaalkii Leego & Yaaqbariweyne

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Wanla-weyn 21 Luuliyo:- Dagaalkii ugu xooganaa isla makraasanuga khasaare badnaa abid ayaa wuxuu ka dhacay in u dhaxeysa degaanada Leego & Yaq-bariweyne ee Gobolka Shabeelada hoose, wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Xoogaga Kacdoonka ee ka soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Ethiopia ay jidgooyo u dhigeen Ciidamo Ethiopian ah oo galbinaayay maleeshiyaadka Copy-ga ee lagu soo tababaray Kilinka 5aad ee EthiopiaKooxaha, dagaalkaan ayaa shalay galab ilaa xalay uu ku dhex maray deegaankaasi.

Dagaalkaan ayaa ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, wuxuuna xoogiisa ka qarxay inta u dhaxeysa Leego iyo Yaaq Beriweyne, waxaana halkaai isku haleelay Ciidamada Ethiopia oo galbinaya Maleeshiyadka Copy- ee Imbagati, wuxuuna dagaalkaasi noqday inta la og yahay kii ugu qasaaraha badnaa.

Wararka ka imaanaya Gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in  saakay ay  wali is horfadhiyaan halkii uu dagaalka ka qarxay, Xoogaga Kacdoonka ayaa la sheegay iney u suurto gashayiney hakiyaan socodkii ay ku jireen Ciidamada Ethiopia & Maleeshiyaadka Imbagati, waxaaana wararka laga helayo deegaankaasi cadeynayaan in laba dhinac ay is hor fadhiyaan, iyadoo  dadka deegaankaasi ay isaga barakaceen deegaabadaasi.

Xubin u hadlay Maleeshiyaadka Imbagati ayaa shaaca ka qaaday inay ciidamo fara badan ka dileen Xarakada al-Shabaab, wuxuuna sheegay inay u furan tahay Saxaafadda inay sawiro ka soo qaataan Meydadkooda, isagoo xusay inay been tahay waxey sheeganayaan oo ay ka mid tahay inay guulo ka soo hoyiyeen dagaaladaasi.

Dhinaca kale Afhayeenada Xoogaga Kacdoonka iyo kuwa Xarakada al-shabaab ay sheegeen inay khasaare xoogan u geysteen Maleshiyadaasi oo loo diyaariya iney bililiqeystaan hantiada taal suuqa Baaaraha iyagoo horey u soo gacma gacmeeyay degaanada ku xeeran degmada B/hakaba, waxeyna intaasi raaciyeen iney diyaar u yihiin inay markale kula dagaalamaan halkaasi,  “Silsilado weerar ah ayaa sugi doona iyo Qaraxyo Cadowga Ilaahey” ayuu sheegay mid ka mid ah afhayeenada wuxuuna intaasi raaciyay inay jab xoogan u gaysteen wax uu ugu yeeray cadowga Ilaahey Iyo daba dhilifyadooda.

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0