Garabka Asmara Oo Hogaan Cusub Xusul Duub Uga Jira.
Asmara 21 Luuliyo:- Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo muhiim ah oo ku sugan magaalada Asmara ayaa sheegaya in xubnaha tirada yar Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya garabka fadhigiisu yahay magaalada Asmara ee Dalka Eritrea ayaa dadaal ugu jira sidii ay heli lahaayeen tiro badan oo Soomaali ah kuwaasoo qaarkood la sheegay ineysanba ka mid aheyn Golihii dhisay Isbaheysigaasi balse hadda la doonayo in lagu tiro buuxsado, waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay ku dhawaaqayaan hoggaan cusub oo ay dhistaan.
Ilo wareedyadaan laga helay xogtaan ayaa sheegay in xilalka Gudoomiyaha Gudigga fulinta ee Isbaheyisga & kan Golaha dhexe ay u sharaxn yihiin Ing.Xuseen Max'ed Faarax Ceydiid, Xasan Daahir, Gudoomiayha Fulinta halka Golaha Dhexe la sheegay iney u sharaxan yihiin Cabdulaahi Deer, Zakariya Xaaji Max'uud, Jaamac Max'ed Qaalib, kuwaasoo isugu jira kuwo ka tirsan Isbaheyisga iyo C/lahi Deer oo aan ka mid aheyn Isbaheyisga balse ka soo jeeda degaanka Bakool isla markaasna ka mid ah xubanha tirada badan ee cusub oo laga soo qaaday gudaha Soomaliya, Isbaheyisga Xoghayaha Arrimaha Bulshada ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Suldaan Maxamed Garyare ayaa u sheegay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho in saacadaha soo socda ay dooran doonaan Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta, Guddoomiyaha Golaha Dhexe iyo Xoghayayaasha Isbaheysiga.
Suldaan Maxamed Garyare oo ka gaabsaday in uu faah-faahin dheeraad ah ka bixiyo doorashada ay sameynayaan ayaa wuxuu sheegay in ay maanta ku dhawaaqayaan mas’uuliyiintii ay ku bedeli lahaayeen madaxdii Isbaheysiga.
Xoghayaha Arrimaha Bulshada Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya waxaa uu intaas ku daray in ay go’aankaas qaateen kadib markii ay fashilmeen wada hadallo ay Yemen ku yeesheen wakiillo ka kala socday garabyada Isbaheysiga ee kala jooga Magaalooyinka Asmara iyo Djibouti, kuwaasi oo la doonayay in labada dhinac la isugu soo dhaweeyo.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, haddii saacadaha soo socda ay ku dhawaaqaan hoggaan cusub xubnaha Isbaheysiga ee jooga Magaalada Asmara waxay taasi micnaheedu tahay in Isbaheysiga Dib u xoreynta uu si rasmi ah u noqday labo garab oo iska soo horjeeda, isla markaana kala fadhiya Magaalooyinka Asmara iyo Djibouti



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment