Waqooyiga Gaalkacyo Oo Olole Ugaarsi Ah Uu Ka Socdo.
Gaalkacyo 21 Luuliyo:- Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka Puntland ay shalay ka afduubteen gurigiisa Macallin wax ka dhiga Dugsiga sare ee Cumar Samantar Macalinkaan oo lagu sheegay magaciisa Ciise Xabbad Calasoow oo ka mid ah Macallimiinta dugsigaasi ayaa la sheegay in loo afduubtay heybtiisa, sidoo kale xubno kale ayaa la sheegay iney xabsiyo gaar ah oo ku yaala waqooyiga Gaalkacyo ku xiran yihiin xubno ka soo jeeda Beelaha Koonfurta Soomaaliya.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya Macaalinkaan ayaa la sheegay inuu ka soo jeeda Beelaha waqooyiga Muqdisho isla markaasna uu in muddo ah ku sugnaa magalaada isagoo ka soo qaxay Muqdisho, wuxuuna mudooyinkii ugu dambeeyay bare ka ahaa dugsiga sare ee Gaalkacyo, waxaana la sheegayaa in Macalinkaasi loo xiray heybtiisa, iyadoo ay caado u noqotay Horjoogayaasha & Maleeshiyaadka Puntland iney xirtaan dadka ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya si ay uga qaataan lacago madax furasho ama loo gacan geliyo sirdoonka & Ciidamada Ethiopia laguna eedeeyo inuu xiriir la leeyahay Xoogaga Kacdoonka Soomaaliyeed
Guddoomiyaha Waxbarashada Gobolka Mudug C/maan Cali Daqarre ayaa xaqiijiyay isagoo la hadlaayay warbaahinta gudaha xariga macallinkaasi, wuxuuna sheegay inuu aqoonin sababta loo xiray, wuxuu kaloo wareysigiisa uu ku sheegay in lagu soo wargeliyay baaritaan lagu wado Macallinkaasi wax ka dhiga dugsiga sare ee Cumar Samatar.
Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ka socda howlgalo lagu heyb soocaayo beelaha Koonfurta ka soo jeeda oo lagu doonayo in lagu xir xiro, loo gacan geliyo Ethiopia ama dib loogu soo celiyo, waxaa kale la sheegay iney jiraan xubno kale oo tiradoodu aan la xaqiijin kuwaasoo lagu hayo xabsiyada gaar ah oo waqooyiga magaalada laga sameeyay, halka kuwo kale oo kontoroolka Gaalkacyo laga qabtay loo gudbiyay Boosaaso isla makraasna la siidaayay.



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment