Khilaaf Soo Kala Dhex Galay Shirkadaha Shidaalka & Liiban M.Boqor
Boosaaso 22 Luuliyo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in khilaaf xoogan oo soo kala dhexgaley Hogaamiye Kooxeedka cusub Libaan Muse Boqor oo ahaa wakiilkii Madaxa Puntland & Saraakiisha shirkadaha Rangers Resource iyo African Oil oo sdia la sheegey baaris la xiriirta khayraad ka baarayaan degaanada Nugaal & Daroor ee Puntland, waxaana la sheegay in Maantay qoraal ay soo saareen ku sheegeen in Mr.Muse laga eryey shirkadaas inkastoo qoraalka lagu sheegey in uu xilka iska-casiley [Board of Directors].
Eryida Hogaamiye Kooxeedka Libaan Muse Boqor oo ahaa gacan yaraha Cadde Muse ayaa timid kadib markii lagu eedeeyay inuu isku koobay dhamaan xilalkii shiradahaasi sida,kireynta guryaha, qorista, shaqaalaha kireynta Gaadiidka iyo qandaraasyada hoose ee ay bixiyaan shiradahaan isla makraasna ka faa’ideystaan shiradaha degaanada, Saraakiisha shirkada Africa Oil & IMC ay sheegay in uusan gabi ahaan mas'uul uga aheyn howlaha la sheegey in ay ka wadaan Puntland.
Khilaafkaan ayaa gaarey heer uga sareeyey todobadyadii la soo dhaafey kadib markii shirkada IMC oo qandaraas ka haysata Africa Oil dhismihii ay ka daganayeen Bosaso u diidaan inuu soo galo Libaan Muse Boqor taasoo markii dambe sababtey in mid kale u guureen.
Madaxa Puntland Cadde Muse oo aad uga xumaadey go'aanka shirkadahaan ku diideen iney la shaqeyaan wakiilkiisa, waxeyna sababtey in khilafkan gaaro labada shirkadood ee Range Resource iyo Africa Oil kaas kaas oo keeney in uu xilkii isaga tago Peter Landau oo xubin sare ka ahaa Range Resource, isla makraasna saaxiib gaar ah la ahaa Mr.Liiban kana wada yimaadeen dalka Canada
Qoraalka maanta July 22,2008 shirkada Range Resource siisey suuqa saamiyada Australia ayaa waxa ay ku sheegeen in Liban Muse Boqor oo xilkii labadii sano ee ugu dambeeyasay ka hayey maamulka shirkada [Board] uu iska-casiley islamarkaana lagu muujiyey in howlhii baarista iyo la-macaamilka DGPL wixii hadda ka dambeeya Africa Oil mas'uul ka tahay.
Isbadalkan yimid iyo khilaafkaan ayaa waxaa uu mujinayaa sida aysan shirkadahaan dhaqaale ahaan iyo maamul ahaan u aheyn kuwa leysku haleyn karo iyada oo horey qoraalo uga soo baxey jaraa'idka Austlralia lagu tilmaamey in magacyadaan loogu yeerayo shirkadahaan yihiin kuwa isku-mid ah islamarkaana lagu jahawarerinayo saamileylda iyo shacabka la sheegey in la baaranayo khayraadkooda.
Qaramada Midobey ayaa qoraal ay soo saaren dhowana sheegey in amaankii Puntland hoos u dhacay kadib markii xukumada jirta ku guldareysatey gunno siinta maleshiyada amniga kuwaasoo ka door biday iney ka mid noqdaan Burcad badeedka ka qaraabata xeebaha degaanadaasi.
Fiiri Lifaaqa oo Ingriis ku qoran:- [ Qoraalkan Range Resources]



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment