Xiisado Colaadeed & Abaabul Xoogan Oo Ka Taagan Badhaadhe
Badhaadhe 22 Luuliyo:- Wararka naga soo gaaraya magaalada badhaadhe ee Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in xiisado Colaadeed ay ka aloosnaayeen Maalmihii ugu dambeeyay deeganadii ay ka dhaceen dagaalo lagu hoobtey oo labo beelood ku dhexmaray halka lagu magacaabo Buriye iyo Baqdaad ee nawaaxiga Badhaadhe, dagaaladsoo ay khasaarooyinka isugu jira dhimasho iyo dhaawac ay ka soo gaareen dad lagu qiyaasay 58 qof.
Wararka hordhaca ah ee degaankaasi naga soo gaaraya ayaa sheegaya in Beelihii diriirtu ku dhex martay Nawaaxigaasi, ay xiligaan ku howlan yihiin isu habar wacasho iyo abaabul hubgurasho oo si xoowli ah uga socoto degaanadasi, iyadoo xiisada colaadeed ee ka taagan Deeganadaasina ay cirka isku shareertay, kadib markii ay burburtay waan waan caato ah oo laga dhex waday, waxaana laga cabsi qabaa in dagaal kale uu labada beelood ku dhexmaro isla deegaanka, ma jirto ilaa iyo haatan wax waanwaan ah oo labada beelood laga dhexwado, amabse cid isku hoowshay qaboojinta xiisada colaadeed.Wararku waxeey kaloo intaas ku darayaan in labada dhinacba ay soo garayaan gurmadyo u diyaar ah iney ka qeyb qaataan dagaal beeledka ka holcaya Baqdaad iyo Buriya, waxaana laga soo sheegayaa in dadweyne aad utiro badani isaga qaxeen Deganadaasi kadib markii ay la soo gudboonaatay cabsi ah iney saameyn ku yeeshaan dagalada beeleed ee tuulooyinka Baqdad & Buriya ee Gobolada Jubooyinka.



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment