Home | General | Maleeshiyada Imbagati Oo Safar Dheer Ugu Jirta Iney Muqdisho Gaaraan

Maleeshiyada Imbagati Oo Safar Dheer Ugu Jirta Iney Muqdisho Gaaraan

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Muqdisho 22 Luuliyo:- Maleeshiyada Copy-ga ee Kooxda Imbagati ee dhowaan lagu soo tababaray Dalka Ethiopia, isla markaana galay uga yaraan ilaa 4 dagaalada inta u dhaxeysa Bardaale ilaa Wanla weyn ayaa la soo sheegayaa iney cabsi darted si gaabis ah u socdaan isla markaasna labo jiho ugu soo kala ambabaxeen Magaalada Muqdisho.

Maleeshiyadaan oo muuqaal ahaan u eg sida Ciidamada Ethiopianka, isla markaasna xiran dharka ay  Ciidamada Ethiopianka sitaan iyo qoryaha fud fudud, ayaa dhaq dhaqaaqyo xoogan ka bilaabay Tuulooyinka hoos taga degmooyinka w/weyn iyo afgooye inta u dhaxeysa ee Gobolka Shabellaha Hoose, halkaasoo la sheegay in ay lug ku marayaan, kadib markii ay soo foodsaartay cabsi ah in hadii ay gaadiidka raacaan weeraro lagu qaaday.

Wararka laga helayo Degaanka warmaxan ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in  ay qeyb ka mid ahi ay soo gaareen meel 4km u jirta Degnakaasi, halka qeyb kale oo Maleeshiyadaasi ka tirsan ay mareen dhinaca wado ka baxda Ballidoogle oo sii tagta Degmada Afgooye.

Dadka ku dhaqan Tuuloyinkaas ayaa cabsi aad u weyn ka muujiyay dhaq dhaqaaqyada Maleeshiyadaani, iyadoo saacad kasta laga cabsi qabo in wadada lagu galo inta ay ku soo jeedaan Muqdisho.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayay waxay ku sugnaayeen Deegaanka u dhow Yaaq Bari weyne iyo meel kale oo iyana u dhoweyd Leego, halkaasoo aheyd halkii uu dagaalka ku qabsaday.

Maleeshiyadaan oo safarku dhib ku noqday ayaa looga fadhiyaa iney wax ka bedelaan xaalada colaadeed ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay iney hadda wataan dhaawacyo iyo tiro meydad ah oo isugu jira Ethiopia & Copy-ga Soomaalida.
 

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
3.00
Powered by Vivvo CMS v4.0