Hogaamiyaha Isbaheyisga Oo Sheegay In Kooxda Yar Ee Asmara Aysan Xil Qaadi Karin
Jabuuti 23 Luuliyo:-Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku tilmaamay wax kherul sharci ah ama qanuunka ka baxsan iney koox yar oo aan dhameyn 30 bnood ay ku dhawaaqaan xil ka qaadis ay sheegeen iney ku sameeyeen Xubnaha tirada yar ee Isbaheyisga Dib u xoreynta ee fadhigoodu yahay magaalada Asmara Dalka Eritrea.
Hogaamiyaha Isbaheysiga Sheekh Shariif waxaa uu sheegay in xubnaha ku sugan Asmara aysan dhameyn kuwo xil ka qaadis ku sameyn kara, wuxuuna sheegay in uusanba jirin qalad ay sameeyeen oo uu ku muteysan karo xil-ka-qaadis.
“Waxaa xil-ka-qaadis nagu sameyn kara seddex meelood labo meel xubnaha Isbaheysiga Dib u xoreynta, sida aan ognahayna xubnaha Asmara jooga intaas ma dhama”ayuu yiri Sheekh Shariif Shiikh Axmed oo sheegay in aysan jirin sabab xilka looga qaado, “waxaa xilka nalooga qaadi karaa xil gudasho la’aan iyo in aan qaladaad sameyno, taasina ma aysan dhicin, kaliya waxa nagula heysto waa maxaad nabadda uga shaqeyneysaan”ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo isagoo ku sugan dalka Jibouti u waramayay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho.
“Haddiiba cid qalad ku jirto waxaa qaladkaas galay Xubnaha Asmara oo ka hor-yimid mas’uuliyiintooda, sida shareecada Islaamka qabtana waa in loo hoggaansamaa mas’uuliyiinta”ayuu mar kale yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sheegay in aysan xubnaha Asmara xor u ahayn afkaartooda, isla markaana ay faragelin ku heyso Dowladda Eritrea oo uu sheegay in aysan rabin in ay Soomaaliya xasilooni hesho Ciidamada Ethiopia ay ka baxaan, “Ciidamada haddii ay Soomaaliya ka baxaan taasi dhibaato ayay u arkeysaa Eritrea, sidaas darteedna ma ogolaaneyso in xal loo helo mushkiladda Soomaaliya”ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in ay ka go’an tahay in ay ka shaqeeyaan sidii Ciidamada Ethiopia looga saari lahaa Soomaaliya, “Waxa loo wada halgamayay waxay ahayd in Ciidamada Ethiopia laga saaro Soomaaliya, marka waxaa is-weydiin leh maxaa ku jaban haddii Ethiopia la saaro dalka iyadoo aan xabad la adeegsaneynin”ayuu yiri Shiikh Shariif.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo ay wada dhisteen Xubno ka socday Maxkamadaha Islaamka, Xubno la baxay Baarlamaanka xorta ah oo laga saaray Baarlamaanka Dowladda Federaalka, Xubno ka socda Bulshada Rayidka iyo Soomaalida Dibadaha ku nool ayaa wuxuu haatan noqday mid labo u kala jabay oo weliba leh labo hoggaan oo iska soo horjeeda, waana laga cabsi qabaa inuu dagaal dhiig badani ku daado uu ka dhex bilaawdo.



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment