Qoraalo Hanjabaado & Digniino Xambaarsan Oo Lagu Daadiyay B/weyne
B/weyn 23 Luuliyo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saakay dhamaan Is-goysyada Magaalada Beledweyne iyo goobaha dadku ku badan yahay lagu arkayay Warqado Digniin ah oo ku wajahan Golaha Odayaasha Dhaqanka Gobalka Hiiraan oo maalmihii aynu soo dhaafnay kulamo isdaba jooga ah la lahaa Saraakiisha Ciidaamda Ethiopia ee fadhigoodu yahay Xerada Jante-kuundisho ee duleedka Magaalada Beledweyne.
Wararka ayaa sheegaya in qoraalkaan Digniinta ah oo si gaar ah Magaciisa loogu xusay Guddoomiyaha Golaha Odayaasha Dhaqanka Gobalka Hiiraan Dacar Xirsi Xooshow ayaa looga digay sii socoshada iyo xiriir la la sameynaayo Ciidamada Ethiopia ee ku sugan buurta jantekuwendishe, islamarkaana haddii ay ku sii adkeystaan ay mudan doonaan ciqaab dil ah. "Waxaan arintan marqaati uga dhigeynaa bulshada ku dhaqan Gobalka Hiiraan si loo ogaado in Digniintu gaartay Odayaasha Dhaqanka” ayaa lagu yiri qoraalka oo muuqday mid xalay uun la soo saaray.
Nabadoon Dacar Xirsi Xooshow oo si gaar ah magaciisa loo soo qaatay oo la la xiriiray ayaa sheegay in Digniintaasi soo gaartay, laakiin uu jawaab ka bixin doono kadib marka uu soo dhamaado kulan maanta arintan ay ka yeelan doonaan Odayaasha dhaqanka.
Dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne ayaa wel wel iyo walaac badan ka muujinaya cawaaqibka ka dhalan kara hanjabaadaha iyo digniinta loo jeediyay Odayaasha Dhaqanka Gobalka Hiiraan oo maalmihii aynu soo dhaafnay si weyn ugu howlanaa baajinta dagaal ka dhaca gudaha Magaalada Beledweyne, waxaana su'aasha ugu weyn ee lays weydiinayo ay tahay mar haddii uu go'ay xiriirkii u dhaxeeyay Odayaasha iyo Saraakiisha Ciidamada Ethiopia tallaabada xigta ee la qaadayo.



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment