Home | General | Kooxo Dabley Ah oo Dhaawacay Gudoomiyihii Maxkamadaha Ee Aadan Yabaal.

Kooxo Dabley Ah oo Dhaawacay Gudoomiyihii Maxkamadaha Ee Aadan Yabaal.

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Jowhar 23 Luuliyo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Jowhar e Gobolka Shabeelada dhexe ayaa sheegaya in ugu yaraan 15-qof oo uu ku jiro gudoomiyihii Midowga Maxkamadaha ee Dagmada Aadan Yabaal oo ka tirsan Gobolka Shabeelada dhexe Sheekh Muxyadiin Cariish ayaa xalay la keenay Isbitaalka Jowhar, kadib markii koox aan heybtooda la qoon ay wadada u gashay isla markaasna ay rasaas ooda uga qaaday, Warar ayaa sidoo kale sheegaya 13-qof oo ka mid ah dhaawacyada la gaarsiiyay isbitaalka Jowhar ayaa ku dhaawacmay gaari ku rogmaday deegaanka Buur-weyn ee degmada Jalalaqsi, kaasoo wajahnaa Degmada Jowhar.

Dhaawaca Gudoomiyaha Demada Aadan Yabaal ayaa yimid kadib markii koox hubeysan oo aan heybtooda la aqoon ay xalay weerar kedis ah ku qaadeen gaarigii uu la socday, oo ku sii jeeay Aadan yabaal,waxaana la dhaawacmay mid ka mid ah ilaaladiisa, halka mid kale la sheegay inuu ku geeriyooday tacshiiradii la is dhaafsaday, ilaa hadda lama yaqaano sababta ay kooxdaan u bartilmaameedsadeen  Gaariga Sh.Muxyadiin Cariish, hase yeeshee ilo xogogaal ah ayaa sheegay in weerarka dableydaasi ay salka ku heyso aano beeleed, waxaana intaasi ay raacisay in labadii maalmood ee ugu dambeeyay uu dagaal beeleed ka socday duleedka Aadan yabaal,Madaxa isbitaalka Jowhar Dr.Cali Cumar ayaa sheegay in qaar ka mid ah dhaawacyada dadka rakaabka ah ay soo gaareen dhaawac culus iyo kuwo kuwo fudud, dadaalna ugu jiraan sidii loo dhayi lahaa, inkastoo uusan Isbitaalka heysan qalab ku filan.

Dhanka kale, kooxo burcad ah oo aad u hubeysan ayaa dhac iyo baarasho ugu geystay duleedka waqooyi ee Dagmada Jowhar gaari ay la socdeen rakaab ku socday gobolada dhexe kana ambabaxay Muqdisho, iyadoo kooxaha falkaas geystay aan weli gacanta lagu dhigin.Dagmada Jowhar ayaa waxay habeenadii ugu dambeysay ahayd mid uu saarnaa badow la sheegay in lagu sugayo amaanka, lagulana dagaalamayo kooxo magaalada dhexdeeda isbaarooyin dhigta.

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0