Ciidamada Ethiopia Oo Duqeyn Ba'an U Geystay B/weyne
Khamiis, 24 Luuliyo 2008:- Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saakay ay Ciidamada Ethiopia ay gudaha u soo galeen magaalada kadibna waxay bilaabeen iney Galbeedka magaalada ku duqeeyaan Madaafiic, waxaana la sheegayaa in madaafiicdaasi ay geysteen khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira, waxaana inta la xaqiijiyay nawaaxiga Buundada Liiq-liiqato ku geeriyooday 7 Ruux oo dhamaantood rayid ahaa.
Dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne ayaa qaarkood waxay bilaabeen in ay guryahooda ka cararaan si ay uga badbaadaan khasaare ka soo gaara madaafiicda ay Ciidamada Ethiopia ku garaacayaan Xaafadaha dhanka Galbeed kaga yaala Magaalada, Xaaladda Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa saaka waxay tahay mid kacsan, iyadoo magaalada ay gudaha u soo galeen Ciidamo Ethiopia ah oo ku sugnaa Xerada Janta Kuundisho ee ku taala Bariga magaalada Beledweyne.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray magaalada Beledweyne-na waxay sheegayaan in galbeedka magaalada uu dagaal ku dhexmaray ciidamada Ethiopia iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, Ciidamadan Ethiopia ayaa waxay gudaha u soo galeen magaalada Beledweyne kadib markii gudaha Magaalada Beledweyne lagu daadiyay Waqrado loogu digayo Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo looga digayay in ay joojiyaan wada hadallo ay la wadeen Ciidamada Ethiopia ee ku sugan Xerada Janta-Kuundisho.



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment