Xoogaga Kacdoonada Oo Aragtiyo Kala Duwan Ka Dhiibtay Khilaafka Isbaheyisga
Khamiis 24 Luuliyo:-Kadib markii garabka tirada yar ee Asmara ay ku dhawaaqeen iney ka Go'een Hogaanka Sare ee Isbaheyisga isla markaasna ay u magacaabeen Hogaamiye mayalka adag ee ku jira liiska dadka ay ku raad joogaan Sirdoonada & Ciidamada Xukuumada Mareykanka, ayaa waxaa ka hadlay isbedelaan Xoogaga kala duwan ee Kacdoonka ka wada magaalada Muqdisho, iyagoo si kala duwan oo aad u kala fog uga hadlay khilaafka iyo kala jabka soo kala dhex galay Isbaheysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya, kuwaasi oo u kala jabay Labo Garab.
Afhayeenka Maxkamadaha Islaamiga ee dhinaca howl galada C/raxiim Ciise Cadow ayaa walaac ka muujiyey kala jabka ku yimid Isbaheysiga Dib u Xoreynta ee Maxkamadaha Islaamka ay qeybta ka yihiin, kuwaasoo labo garab oo ay kala hogaamiyaan Sheekh Shariif iyo Sheekh Xasan Dahir u kala habay.
wuxuuna sheegay in ay tahay wax laga xumaado in xiligaan uu Isbaheysigu kala dhantaalmaan taasina ay tahay mid ceeb ku ah Madaxda Maxkamadaha Islaamiga ah ee Soomaaliya sida uu yiri
“Waxaan leenahay ALLE ka baqa oo ha noqonina kuwo laga faa'iideesto ee u daneeya diinta iyo dadka Soomaaliyeed ee la heysto ,hadii aad labo noqotaan waxaa ka faa'iideeysanayo cadowga waxaana ugu baaqeeynaa Madaxda sare ee Isbaheysiga in ay xal gaaraan oo ay heshiiyaan” ayuu yiri C/raxiim Ciise Caddow
Dhinaca kale Macalin Xaanshi Maxamed Faarax oo ka mid ah ahaa Xubnihii Maxkamadaha xilligi ay ka talin jireen Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya, dhowaana sheegay inuu ku biiray Ururka Al-shabaab ayaa u hambalyeeyay Sheekh Xasan Dahir Aweys, wuxuuna sheegay in mar hore uu arkay Labada Shariif in ay wado khaldan ku socdeen.
Macalin Xaashi oo la hadlay saakay warbaahinta Muqdisho ayaa ku eedeeyey Sh Shariif Sh Axmed gudomiyaha Isbaheysiga inuu yahay nin ku xirtay reer galbeedka waa sida uu hadalka u dhigay isaga oo ku tilmaamay qof mudan in xilka laga qaado.
"Soomaaliya waxa ay u baahan tahay dib u xoreyn iyo halganka Mujaahidiinta oo aan la kala dhantaalin si dalka looga saaro Cadowga Umada"ayuu yiri Macalin Xaashi Maxamed Faarax oo dadka Soomaliyeed uga digay in aysan ku dhicin dabinada iyo wax uu ku sheegay howlaha iyo dibin daabyada ay wadaan Xubnaha Isbaheysiga Dib u Xureynta ee jooga Magaalada Jabuuti.
Hadalka Labada Xubnood ee ka kala tirsan Ururada Islaamiga ee kacdoonada wada jirka ah kula jira Ciidamada Ethiopia iyo Dowladda Federaalka ayaa waxaa uu cadeynayaa sida ay tahay mabaa'diidooda, iyadoona Kooxda Alshabaab ay markii horeba aad u diidaneyd dhismaha Isbaheysiga Dib u Xoreynta, taasoo aheyd waxa ay gooni isaga taagtay Midowga Maxkamadaha oo ay ka mid aheyd Mudadii Lixda Bilood. khilaafkaan ayaa laga cabsi qabaa inuu dhinacyadaan u horseedo dagaal lagu hoobto oo ka dhex bilaawada bacdamaa lagu kala tagaty aragtiyadii iyo isku xirnaantii weyda aheyd ee u dhaxeysay.



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment