Xiisado Colaadeed & Abaabul Xoogan Oo Ka Taagan W/Muqdisho
Khamiis 24 Luuliyo 2008:-Wararka naga soo gooraya waqooyiga magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in degaanadaasi ay ka aloosan yihiin Xiisada Colaadeed iyo abubaabulo maleeshiyo, oo laga dareemay degaanada u dhaxeeya Fargax, Sii sii & Hotelka Lafweyne, waxaana ilaa xalay iyo maanta ka jirta xiisadaasi oo u dhexeeysa Maleeshiyo ka amar qaadata Hogaamiye Kooxeedyo katirsan Kooxda Imbagati .
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Hogaamiye Kooxeedka Maxamed Cusmaan Dhagaxtur uu ku amarya maleeshiyada isaga daacada u ah iney weerar ku qaadaan kuwo kale oo farisin ku leh isgoyska Fagax, waxaana habeenkii xalay ay is weydaarsadeen rasaas gos gos ah, kadib falalkaan ayaa la sheegay in maantay ay xiran tahay dhammaan Goobihii Ganacsiga deegaanada Lafweyn Sii Sii iyo Fagax oo ay isku hor fadhiyaan maleehsiyada Hogaamiye Kooxeedka iyo kuwo kale oo degaanka ah..dadka deegaanka ayaa soo sheegay in xaaladu ay cakirantahay kadib markii Maleeshiyada katirsan ilaalada Max'med Cismaan Dhagaxtuur ay Rasaas soo raaciyeen Wadada Fagax.,
Xiisadan Colaadeed ayaa ka dhalatay Dil dhawaan Kooxo hubaysan ay degmada Shibis ugu gaysteen laba Askari oo katirsn ilaalada Dhagaxtuur taas oo loomacneeyay qaab Qabiil., Beesha uu kasoo jeedo Dhagaxtuur Gudoomiye K/xigeenka Maamulka Gobalka Banaadir ayaa ku eedaysay dilkaas in ay gaysteen Muqaawamo kasoo jeedo deegaanada Fagax iyo Lafweyn arrintaas oo xaaladda sii cakirtay.Odayaasha degaanka ee degaanada Lafweyn iyo Fagax ayaa bilaabay in ay kasoo caraan deegaanadaas cabsi ay kaqabaan Ugaarsi awgeed, arrintan ayaa ku cusub Muqdisho oo ay isku hayaan Xoogaga Kacdoonka iyo Maleeshiyada Imbagati waxaana muuqato in Dilalka ay Muqaawamdu gaystaan loo weeciyay qaab Qabiil



del.icio.us
Digg
Comments (0 posted):
Post your comment