Home | General | Sirdoonka Ethiopia Oo Maleegaya Qorshayaal

Sirdoonka Ethiopia Oo Maleegaya Qorshayaal

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo muhiim ah oo ku sugan magaalada Jabuuti ayaa sheegaya in Xukuumada dalkaasi ay ku amreen Ciidamadeeda Amaanka inay adkeeyaan  Goobta uu ka degan yahay magaalada Jabuuti iyo dhaqadhaqaaqiisaba Wafdiga uu Hogaaminaayo Gudoomiyaha Isbaheysiga dib u Xoreynta Soomaaliya Sheekh Sharrif Sheekh Axmed kadib markii Hey’adaha Sirdoonku ay soo gaareen warar la xiriira amaanka Gudoomiyaha & Wafdigiisa 

Xogataan ayaa tibaaxeysa in saraakiil ka tirsan Safaarada Ethiopia ee jabuuti oo huwan xil diplomaasiyadeed laakin ka tirsan Sirdoonka Ethiopia ay diyaariyeen qorshayaal laba qeybood ka kooban oo ay soo maleegeen sirdoonka Cadowga Ethiopia oo maalmihii ugu dambeeyay ku mashquulsanaa sidii ay xiriiro ula sameyn lahaayeen Ergada Isbaheysiga dib u Xoreynta iyagoo dhowr goor fariimo u  soo dhiibay xubno Soomaali & Ajaaniib isku jirta, taasoo meel mar noqon weysay, kadib markii uu fashil ku yimid talaabadaasi, ayaa la sheegaya iney  diyaariyeen talaabada labaad oo ah in waxyeelo loo geysto xubanaha uu Hogaaminaayo Gudoomiyaha Isbaheysiga dib u Xoreynta Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, si loo carqaladeeyo shirka lagu balansan yahay inuu qabsoomo 31 bishaan kaasoo dhex marki doon Isbaheyisiga dib u Xoreynta Soomaaliya & kuwa Kooxda Imbagati, inkastoo lagu wargeliyay Xukuumada jabuuti & hey’adaheeda amaanka ayaa la sheegay in qaadeen talaabooyin ay ku adkeynayaan Amaanka degaanda ay degan yihiin Ergada Isbaheysiga iyo dhaqadhaqaaqoodaba.

   

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
3.50
Powered by Vivvo CMS v4.0