Home | General | Khilaafka Kooxda Imbagati Ee Benaadir

Khilaafka Kooxda Imbagati Ee Benaadir

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo muhiim ah oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Sarkaalka Ciidamada Ethiopia uga madaxda ah magaalada Muqdisho Col.Yohannas Abate uu dhowaan shir qarsoodi ah la yeeshay xubno ay ka mid yihiin Madaxa Kooxda Imbagati Col.C/laahi Yuusuf,Xubnaha ka gadoobay Maaamulka Max’ed Dheere ee Gobolka Benaadir, kuwaasoo kala ah ,Madax Kuxigeenka Arrimaha Siyaasada, Axmed Tahliil Warsame, K/x arrimaha bulshada Max’ed Cusmaan Dhagaxtur, K/x arrimaha Amaanka C/fataax Ibraahim Shaaweey, K/xAshahaado la dirirka, Nur Xasan Cali (Nur Daqle) K/x Howlaha guud Cumar Aweys Nur (Dacas).

Xogtaan ayaa tibaaxeysa in kadib markii uu ku guul dareystay Madaxa Imbagati in khilaafka xubnahaasi kala dhexeeya Hogaamiye Kooxeedka Max’ed Cumar Xabeeb (M.Dheere), uu xaliyo shirar badan kadib, ayaa la sheegay inuu soo dhex galay xiisadaasi Col.Yohannas Abate, wuxuuna si cad ugu sheegay in “Max’ed Dheere uu xilka ku waayi karo oo kaliya marka ay ka baxaan Ciidamada Ethiopia magaalada Muqdisho , isla markaasna uu ka qeyb galo  tartan doorasho ah uu galo, wixii xiligaasi ka horeeyana hadii aadan la shaqeyn Karin, waxaan la idiinku wargelinayaa inaad idiinku xilka weyn doontaan, xubnahaan oo horey hub ka dhigis loogu sameeyay, isla markaasna loo sheegay iney xilka iskaga degaan hadii aysan daacad u noqoneynin Max’ed Dheere  ayaa hadda u muuqdo kuwo go’doonsan oo quus taagan, warar hoose ayaa sheegaya in qaarkood ay qorsheynayaa iney dalka isaga dhoofaan halka kuwa kale la sheegay iney doonayaan iney wada hadalo hoose la yeesheen Saraakiisha Xoogaga Kacdoonka si loo badbaadiyo.

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0