Home | General | Max'ed Dheere Oo Aflagaadeyn u Jeediyay Beel.

Max'ed Dheere Oo Aflagaadeyn u Jeediyay Beel.

Font size: Decrease font Enlarge font
image

Kuxigeenka Gobolka Banaadir ahna Madaxa Maaliyada ee Kooxda Imbagati  Eng. Maxamed Yarow ayaa si kulul u cambaareeyay eryo aflagaado ah ooka dhan ah Beeshiisa oo ka soo yeeray Maxamed Dheere Madaxa Kooxda Imbagati ee Benadir.

Hopgaamiye Kooxeedka Maxamed Dheere ayaa sheegay in Beesha Galmaax Yoonis ee wacbuudhan inaysan aheyn Beel dagaalanta, isagoo taa ugala jeeday in Dagaalada socda ay kaliya qeyb ka tahay beeshiisa.isla markaasna ay ka baaqsadeen iney ka qeyb qaataan dagaalada ka scoda magaalada Jowhar, kaasoo u dhaxeeya Xoogaga Kacdoonka & maleeshiyaadka daacada u ah Hogaamiye Kooxeedka & Walaalkiis, kuwaasoo looga itaal roonaaday gacan ku heynta Gobolka Sh/dhexe. Eng. Maxamed Yarow ayaa sheegay in Maxamed Dheere uu aflagaado u geystay beel dhan jiritaankeeda, taasoo uu sheegay in ay ka fiirsan doonaan, beeshoodana ay go'aan ka qaadaneyso Hadalka Maxamed Dheere, Beeshaan ayaa waxaa ka soo jeeda Col.Nuur Xasan Xuseen Madaxa Kooxda Imbagati. Wuxuu sheegay in aanay loo dul qaadan karin ku tumashada xuquuqda beeshiisa, wuxuuna ugu baaqay Maxamed Dheere inuu deg deg raali gelin uga bixiyo. Sidoo kale Beesha Galmaax Yoonis oo uu ka soo jeedo Eng. Maxamed Yarow ayaa waxay ku dhawaaqeen kulan deg deg ah oo ay ugu arinsanayaan hadalka Maxamed Dheere. Arrintan ayaa keeni karta mid khilaaf hor leh keeni karta marka loo eego hadalada iska soo horjeeda ee Labada Mas'uul ka soo yeeraya, waxaana tani ku soo beegmeysaa, xilli uu socda qorshe Gole deegaan lagu dhisayo, kaasi oo dooranaya Maamulka Cusub ee Gobolka Banaadir, waxaana Maamulka Maxamed dheere hogaamiyo uu yahay mid gabalkiisa sii dhacaya

Comments (0 posted):

Post your comment comment

Please enter the code you see in the image:

  • email Email to a friend
  • print Print version
  • Plain text Plain text
Rate this article
0
Powered by Vivvo CMS v4.0